Arji looga soo horjeedo tarxiilka carruuta ku xididaysatay Nederland
|
JSN Isniin 06-febaraayo-2012: 25ka tirsan dowladaha hoose ee Nederland ayaa ka mid noqday arji looga soo horjeedo in la tarxiilo ilmaha iyagoo waalidkood aan la socon Nederland ku xididaysta qaatana dhaqan iyo hab nololeedka Nederland aan laga tarxiilin Nederland. Arrintaan ayaa soo shaac baxday ka dib markii wiil reer Angoola oo la yiraa Mauro Manuel oo ay reer cadaan ah korsadeen oo mudo 10 sanno ku noolaa Nederland oo xitaa iloobay wadankii uu u dhashay asalkiisii hore ee Angoola dhaqan ahaan iyo luqad ahaan.
Mauro Manuel wiilkii reer Angoola
Dowladaha hoose ee Nederland ee saxiixay waxaa ka mid Enschede, Eindhoven, Arnhem, Utrecht, Amsterdam iyo Breda oo wasiirka isdhexgalka,socdaalka iyo magangalyodoonka Mudane Gerd Leers ka codsaday in aan la tarxiili karin ilmaha ku xididaysta qaatana dhaqanka iyo caadada Nederland.
Waxaa kaloo jira dad caan ka ah Nederland oo iyagana saxiix ku taagay in ka soo horjeedaan siyaasadaan guracan ee carruurta lagu tarxiilayo waxaa ka mid ahAngela Groothuizen, Marco Borsato, Paul de Leeuw en Khalid Boulahrouz.
| < Prev | Next > |
|---|
