Ogeysiis : Waxaan ogeysiinaynaa dhamaan akhristayaash Saaytka Jaaliyada Soomaalida ee Breda oo ay istaagtay shaqooyinkii uu  u qaban jiray Jaaliyada ka dib markii uu ka waayey taageero in uu saaytka u wareego in uu ka taageero Soomaalida reer Nederland warark muhiimka u ah oo ku qoran afka Soomaaliga.

Maxaa noo qabsoomay sannadkii aakhirka ah 2011

Waxaa mahad Ilaah ah in saayka ay booqdeen dad dhan 51,769 ilaa bishii agoosto 2011. Inagoo fiirinayno baahida ay u qabaan shicibka Soomaaliyeed ee Nederland aan go aansanay in aan sii wadno balse aan ka badalno magaca saaytka meeshii ahayd Jaaliyada Soomaalida Breda

Joornaalka Soomaalida Nederland laga bilaabo 28-12-2011 sababtoo waxqabadka iyo wargelinta Soomaalida Nederland ay tahay mudnaanta kowaad oo aan dadkeena ka haqabtirno  baahida ay u qabaan aqbaaraha wararka Nederland.

Joornaalka Soomaalida Nederland oo marka la soo gaabiyo u qoran JSN waxaan ka sii anbi qaadi doonaa howsheena u adeega bulshada Soomaaliyeed ee Nederland. Waxaa halkaas ka baxay oo aan ka tirsanayn howlaheen Stichting Somalische Cultuur Nederland oo aan wax xiriir ah la lahayn saaytkan JSN.

wixii talo iyo tusaale fikrado cusub noogu soo hagaajiya This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Mahadsanidiin

Joornaalka Soomaalida Nederlnad[JSN]