Shir looga hadlayo xagjirnimada oo 30-09-2011 Den Haag lagu qabanayo
|
JSB: Talaado 27-09-2011: Shir weeyn oo ay soo qabanqaabiyeen hay ado kala gedisan oo Nederlandees ah oo kala ah VON, Gemeente Den Haag iyo Dalmar foundation ayaa wuxuu ka dhici doonaa magaalada Den Haag maalinta Jimcaha 30-09-2011 saacadu markay tahay 10:30 barqadii ilaa galabtii 17:15 galabtii. Mowduuca shirkaan ayaa loogu magacdaray u janjeerka xagjirmada jaaliyadaha Soomaalida ee qurbaha ku nool[Tendencies of Radicalisation of Somali diaspora]
Cinwaanka shirka lagu qabanayo waa : Hoge Zand 42 Postcode 2512 Den Haag

Shir gudoomiye waxaa ka ah haweeney la yiraa Ms. Dorother Appels, waxaa kaloo aan la carabaabin laakiin kasoo qaybgalay ku xigeenka duqa magaalada Den Haag Marmix Norder,Madaxa hay ada qaxootiga ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan VON mudane Dzsingisz Gabor iyo Saskia Tempelman oo ka socoto cadaalada iyo Nabdgelyada iyo ka hortaga qobqobka.
Labada professor ee Soomaalida ah ee shirka ka qaybgalayso

Soomaalida kaso qaybgalasyo oo kala ah sida la shaaciyey : Professor Axmed Samatar oo wax ka dhiga kuleeja ku taalk wadanka Maraykanka oo la yiraa macalester iyo Professor Abdinur Maxamed oo horay wasiir uga ahaa dowlada ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.
Cidii xiisaynayso in ay ka qaybgasho iska diiwaangeli halkaan oo foomka buuxi. Halka aad iska diiwaangelinayso waxaa iska leh stichting Dalmar oo cinwaankoodu yahay sida ku qoran hoos
Dalmar Foundation
Televisiestraat 2 Unit-221
2525 KD Den Haag
Tel: 070-3300752
Fax: 070-3883285
www.dalmar.org
Email:
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|
