R/wasaare Mark Rutte oo warbixinta isbedelka cimilada faragelin ugu sameeyey si qayaano ah

Isniin 27 Maajo 2019 JSN:  R/wasaare Mark Rutte ayay ku eedeeyeen xisbiyada mucaaraadka Nederland  in uu faragelin iyo cadaadis ku saaray si dib loogu dhigo warbixin ku saabsanay isbedelka cimilada ee loo yaqaan [Climage change] taasoo ay ku tilmaameen in ay wiiqayso baarlamaanka dimoqraadiyada ee wadanka Nederland.

Waxay ay ahayd in warbixintaa la soo bandhigo maalinta looga yaqaan Nederland [Prinsejesdag] si loogu gorfeeyo loogana dooda macluumaadka ku saabsan isbedelka cimilada aqalka labaad ee baarlamaanka Nederland ee [Tweede kamer].

Waxay xisbiyada mucaaraadka Nederland [GroenLinks, PVV, PvdA en Forum voor Democratie] ka muujiyeen walaac in R/wasaare Mark Rutte uu cadaadis iyo faragelin ku sameeyo warbixin ay ahayd in uu  la wadaago xildhibaanada baarlamaanka Nederland ayna ka codsadeen in Mark Rutte uu  jawaab ka bixiyo sababata kaliftay in uu is hortaago dibna  u dhigo taasoo ay ku tilmaameen in ay tahay tacadi iyo ku takrifal awoodeed.

Isbedelka cimilada ee loo yaqaan [Climate change ama klimaatverandering] ayaa ah mowduuc la isku khilaafsanyahay oo ay dowlada Mark Rutte ay rabto in ay hirgeliso iyadoo ku doodayso in ay lagama maarmaan tahay in wax laga qabto iyadoo nasiibdaro cimilada maalin walba is bedesho wax ka qabadkeeda Alle kor ahaaye kaligiis hayo oo ay bani aadamka gacantiisa ku jirin.

Isbedelka cimilada ayay maalqabeenka ku rabaan in ay ku dhacaan xoolaha dadweynaha adduunka qaasatan kuwa Nederland iyo Midowga Yurub intiisa kale sababtoo ah haddii ay hirgasho waxa a imaan doona in sharciyo cusub oo aan xaqiiq, sharciga  iyo cilmi aan ku salaysnayn. Culumadada sayniska ee khubarada ku ahna intooda badana ay isku khilaafsanyihiin kuwana lacago intay qaateen aqoontoodii galiyey musuq maasuq maaldoon halka kuwa kale diidan yihiin oo ay walaac ku muujiyeey in cilmiga iyo siyaasada la kala saaro.

Waxaa sida hadaba ka jirto magaalooyin ay ka mid yihiin London lagu soo rogay in baabuurta lagu soo rogay in ay maalinwalba oo ay galayaan bixiyaan lacago dhan 24 Ginigi Ingiriiska ah iyadoo wax cilmi, sharci aysan ku dhisnayn marka laga reebo in dhaqaale laga helo.  Nederland ay dowlada R/wasaare Mark Rutte ay ku talo jirto iyadoo gabaadsanaayo isbedelka cimilada lagu soo rogo magaalooyinka waaweeyn ee Nederland in gawaarida lacag ku galaan dhamaantood marka laga reebo kuwa korontada ku socdo,  kuwaasoo beecoodu khaali yahay dadka intooda badana aysan awoodin tiknoolajiya ahaan wali aan la isku halayn karin maadaama baabuurka kaaga baahanyahay in la kaarikeeyo mudo 8 saacadood ah masaafada uu socon karana ay xadidan tahay, laakiin hadafka laga leeyahay ay tahay in shicibka masaakiinta ah xoolahooda lagu boobo iyadoo cimilada cid aan Illaah ahayn ee wax ka qabankarto aysan jirin.

 

 

Xiriir la leh qormadaan

Eraybixin:  Climate Change  isbedelka cimilada

Klimaatverandering:  isbedelka cimilada

 

Haddii markaad akhriso qoraalka aad su’aalo, talo soo jeedin fikradcelin iwm ah, fadlan halkaan noogu soo gudbi adigoo mahadsan

Joornaalka Soomaalida Nederland

www.somculned.nl

 

About JSN

Joornaalka Soomaalida Nederland,Somali Journal in the Netherlands, news, views and many more
Bookmark the permalink.

Comments are closed.