Shirkada Tareenada Nederland NS oo magdhaw dhaqaale u oggolaatay siiso dhibanayaal: Yaa waaye Akhriso

Arabco  26 Juunyo 2019 JSN: Shirkada tariinada ee Nederland ee marka la soo gaabiyo looga yaqaan Nederland  Nederlandse Spoorwegen = NS ayaa oggolaatay  in ay siiso magdhaw eheladii Yuhuuda Nederland ee ay tareenadeeda ugu masaafurisay xerooyinkii lagu xasuuqay 102,000 Yuhuudii Nederland.

Wadanka Jarmalka oo ay majaraha dowlada Jarmalka u haysay dowladii  Hitler ayaa qabsatay wadanka Nederland iyo  wadamo kale oo Yurub ah dagaalkii labaad ee adduunka sannadihii  sanndihii 1939-45. Jarmalka ayaa ku guulaystay in uu qabsado qaarada Yurub dhamaanteed marka laga reebo wadanka Ingiriiska oo mucaaradyadii iyo jabhadihii reer Yurub oo dhan u carareen iyadoo halkaas ka soo wada jabhadeeyey.

Todobaatan iyo shan sanno ayaa laga joogo waqtigii Yuhuuda Nederland looga tarxiilay Nederland iyagoo la isugu geeyey xerooyinkii xasuuqa oo ay ugu caansanayd Awshwitis, Birkanaaw  iyo wesborko. Waxaa hubaal ah in  hadafka ay dowladii Jarmalka ee Naasiga ahayd ee uu madaxa ka ahaa Hitler ku doonaysay in ay ku xasuuqdo  Yuhuuda degan Yurub oo dhan illeen Yurub dhamaanteed ayaa hal meel la isugu keenay si loogu xasuuqo. Arrintaan ayaa illaa maanta la isku khilaafsanyahay.

Shirkada tareenada Nederland ayaa ugu dambayntii oggolaatay in  ay siiso magdhaw dhaqaale ah ehelada dadkii Yuhuuda Nederland ee nool raalligelina ka bixiso.

Guddi loo xilsaaray in ay soo baaraan dhacdadaan oo uu madax u yahay duqii hore ee magaalo madaxda Nederland  Amsterdam Mudane Job Cohen oo qudhiis Yuhuud ah ayaa sida lagu faafiyey warbaahinta Nederland lagu sheegay in shirkada tareenada Nederland ee NS  ay diyaaar u tahay in ay siiso magdhaq lacageed eheladii dadkii tareenadeeda lagu qaaday ee lagu xasuusay xereooyinkii Westerbok iyo Awshwits.

Shirakda tareenada Nederland [NS] ayaa sida lagu helay baaritaan ka heshay dhaqaale dhan 2.5 milyan Yuuro lacag lagu khadaray. Sanndkii lasoo dhaafay ee 2018 ayaa madaxa NS Mudane Roger van Boxtel gudi madax banaan sameeyey si ay u soo baaraan dhacdadaan murugada leh 102.000 Yuhuudii Nederland ay shirkada ugu tarxiishay tareenadeeda iyagoo la geeyey xerooyinkii xasuuqa Yuhuuda ee ay ugu caansanayd Auschwitz, Birkanau, iyo Weterbork.

Jaaliyada Yuhuuda Nederland oo tiro ahaa ka yar Soomaalida Nederland ayaa ah bulsho isku xiran si fiicana ugu milmay siyaasada, dhaqaalaha, waxbarashada iyo warbaahinta ayaa ah arrin mudan in Soomaalida Nederland ay sidoo kale ay geedi socodka bulshada Nederland ka qaybqaataan oo dhulkoodiii, dadkooda iyo dhaqankooda illoobin.

Xiriir la leh qormadaan: Salo Muller oo eheladiisa lagu xasuuqay xeryaha xasuuqa

Borobogaandadii Warbaahinta  Nederland ee Yuhuuda lagu dacaayadayn jiray oo u dhiganta dacaayada Muslimka lagu haayo

Haddii markaad akhriso qoraalka qabto  su’aalo, talo soo jeedin fikradcelin iwm ah, fadlan halkaan noogu soo gudbi adigoo mahadsan

Joornaalka Soomaalida Nederland

www.somculned.nl

About JSN

Joornaalka Soomaalida Nederland,Somali Journal in the Netherlands, news, views and many more
Bookmark the permalink.

Comments are closed.