Xasuuqihii reer Koongo wax ka baro sooyaalka gumaystayaasha Afrika hore iyo kuwa maanta

Khamiis 23-Nofeembar-2017 : JORSOMNED: Waxaa hubaal ah bulshadaan sooyaalkeeda wax ka ogaan waxay u badantahay in khaladkii dhacay ay dib ugu dhacaan.  Xaqiiqda maanta waa sooyaalka berito jiilka nool waxay ka dhaxlaan waalidoontood sooyaalka si ay wax uga bartaan sooyaalka.

Leopold II wuxuu ku dhashay magaalo madaxda wadanka Beljamka ee  Burukselis sannadkii 9-Abriil- 1835.  wuxuu ka dhashay reer boqortooyada Beljam ah,  wuxuuna  noqday  boqorkii labaad ee dhaxal ahaan ku helay booska  boqortooyada Beljam.  wuxuuna boqor ahaa intii u dhaxaysay 1865 illaa 1909.

Leopold 2 wuxuu ka soo jeedaa abtirsiyo ahaan reerka  la yiraa  [The House of Saxe-Coburg and Gotha].  Waa  abtirsiiyo ay ka soo jeedaan dhamaan boqortooyinka Yurub intooda badan.

Abtirsiiyahaan waa mid abtirsi ahaan Jarmal ah. laakiin boqortooyinka Yurub oo dhan iyagoo Jarmal ku abtirsada hadana waxay xukumaan wadamo aan Jarmal asal ahaan ka soo jeedin oo ay xoog iyo xeelad ku heystaan.

Nowadays in Europe there are 10 monarchies:

  1. Belgium,
  2. Denmark,
  3. Liechtenstein,
  4. Luxembourg,
  5. Monaco,
  6. Netherlands (Holland),
  7. Norway,
  8. Spain,
  9. Sweden
  10. UnitedKingdom (aka Great Britain).

Waa mid mudan in dadka ku hadla afka Soomaaliga ay wax ku ogaadaan xaalka siyaasadeed iyo midka bulshadeed ee Yurub ka taagan. Waxaa la sheegaa in dimoqraadiyo wax lagu doorto shicibkana ay doorasho wax ku doortaan maadaama boqorada iyo boqortooyada Yurub ay ku haystaan xukunkooda mid dhalyo ah ama dhaxal oo cidna aysan dooran, halka adduunyada kale loogu sheekeeyo in ay dimoqraadiyada u hogaansamaan.

Wadanka Ingiriiska oo lagu xukumo dastuur boqortooyo cid ka sareysana aysan jirin boqortooyada. Reerka boqortooyada waxay ka soo jeedaan [Saxe-Coburg iyo Gotha] oo asal ahaan Jarmal ku abtirsada. aqalo  Boqortooyada Ingiriiska waxay magaca [Saxe-Coburg iyo Gotha]u badaleen dagaalkii dhamaadkii dagaalki 1 aad  [1914-1918]  ee adduunka ka hor intuusan dhamaan sanno ka hor House of Windsor sannadkii 1917  iyagoo ka cabsi qabay in lagu kaco maadaama magaca [Saxe-Coburg iyo Gotha] Jarmal ahaa.

Xiriir la leh qormadaan

About JSN

Joornaalka Soomaalida Nederland,Somali Journal in the Netherlands, news, views and many more
Bookmark the permalink.

Comments are closed.